Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhawaaqay in Xisbiga WADDANI dhismaha garoonka kaga qayb qaadanayo lacag dhan toban kun oo dollar ($10,000).
Mudane Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in dhismaha garoonkani ahaa waajibaadkii xukumadda Kulmiye balse ay ka gaabisay haddana loo baahan yahay in ay qayb weyn ka qaadato mashruucan muhiimka u ah bahda ciyaaraha ee Burco.
Waxa uu sidoo kale ganacsatada iyo bulshada guud ahaan ugu baaqay in ay qayb qaatan dhismaha garoonka 2-aad ee Burco oo dhallinyarada iyo bahda ciyaaruhu baahi weyn u qabto.