#TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdicasiis Siciid Faarax oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday.

Saturday May 15, 2021 - 13:28:13
0 Comments
641
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

 

 

Date: 15KaMay 2021ka

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdicasiis Siciid Faarax magaalada Hargeysa ku geeriyooday.

Guddoomiyuhu waxa geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya Xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada ku metela Xisbiga, ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI oo marxuumku walaalkeed ahaa iyo guud ahaan Qoyska uu ka baxay.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

 

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

       Barkhad Jaamac Batuun



Image


Leave a comment