"Xadhigaygu wuxuu ahaa mid siyaasadeed,waxaana ka dambeeyay Xisbiga Kulmiye oo isku dayay in uu qaato codka deegaankayga"

Tuesday May 11, 2021 - 12:43:53
0 Comments
690
Xisbiga WADDANI
Musharrax Qaasim Aadan Saleebaan oo Xisbiga WADDANI uga sharraxan Golaha Wakiillada gobolka Sool ahna Afhayeenka Xisbiga ee Qaaradda Yurub ayaa faahfaahin ka bixiyay Xadhigga xukumaddu kula kacday waxaanu tilmaamay in ujeedada laga lahaa ahayd in deegaanka uu metelayo codkiisa lagu dhiso musharraxiinta Kulmiye. 

"Xadhigaygu wuxuu ahaa mid siyaasadeed, waxaana ka dambeeyay Xisbiga Kulmiye oo isku dayay in uu qaato codka deegaankayga. Waxa ay madaxda Kulmiye ee gobolka Sool u yimaaddeen bulshada deegaankayga iyaga oo u sheegay in aanu Kulmiye siinayn musharrax una baahan yihiin in ay codkooda ku dhisaan (Musharraxiinta) Kulmiye. Beeshaydu arrintaa way ka dhiidhiday waxaanay Musharrax ka noqotay Xisbiga WADDANI markaana waxaa bilaamatay tallaabo kasta oo lagu wiiqayo musharraxnimadayda,'’Musharrax Qaasim Aadan Saleebaan. 
May be an image of 1 person


Musharrax Qaasim ayaa sidoo kale sheegay in xukumadda Kulmiye sii waddo cadaadiska ka dhanka ah musharraxnimadiisa islamarkaana culays la saarayo bulshada deegaanka uu metelayo. "Waxa faro gelin lagu hayaa deegaanka aan u sharraxanahay, nimankii noocaas ahaa (Xadhiggayga ka dambeeyay) ballanqaadayaan xilal aanan garanayn sida nin tartame ahi xil u bixinayo oo ay dadkii ugu ballanqaadayaan wasiir baan kaa dhigaya, agaasiman kaa dhigaya iyo darajo ayaan ku dallacsiinaya, waxaan filaya shacbiga deegaanka iyo shacbiga Gobolka Sool way ka koreen xilligii Kulmiye u sheegi lahaa beenta,” 

ayuu yidhi Musharrax Qaasim Saleebaan Waxa kale oo uu sheegay in siyaasiyiin Kulmiye ka tirsan adeegsanayaan saraakiil ciidan oo beelaha dhex galaya kuwaas oo doonaya in ay codka musharraxiinta ay wadaan ku bedeshaan bixinta darajooyin ciidan iyo ballanqaadyo ololaysan. "Waxa aan shaki ku jirin in siyaasiyiinta Kulmiye isticmaalayaan saraakiishii ciidamada ee Gobolka (Sool) taas oo runtii werwer badan ku haysa dadka deegaanka iyo musharraxiintaba. Waxa aan la socona in saraakiishu ku milmeen siyaasadda oo ay ahayd in ay ka madax banaanadaan oo ay maanta yihiin ololeeyeyaasha doorashada. Waxa aanu ka digayna in ciidamadu ku milmaan siyaasadda.Waxaan xukumadda ugu baaqayna in saraakiisha doorashada faraha kula jira ee reer walba u tagaya ee darajo ciidan bixinaya in shaki ku jiro amniga musharraxiinta sidaa awgeed ay ilaaliso bad qabka musharraxiinta,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Qaasim Saleebaan

Leave a comment