Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Jaamac Khayre oo ku geeriyooday Magaalada Xarshin.

Sunday May 09, 2021 - 21:26:02
0 Comments
610
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Jaamac Khayre oo ku geeriyooday Magaalada Xarshin.


Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex Mudane Wali Cabdi Jaamac oo uu walaalkii ahaa iyo guud ahaan qoyska iyo ehelada uu ka baxay.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

    Barkhad Jaamac Batuun
Image

Leave a comment