Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo xubno ka tirsan Hoggaanka Sare ee Xisbiga ayaa maanta kulan saacado badan ah la qaatay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriisku u soo Magacowday Dalalka Somaliland & Soomaaliya, Marwo Kate Foster iyo Madax ka socota Xafiiska Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.

Monday May 03, 2021 - 21:20:40
0 Comments
568
Xisbiga WADDANI
Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga ay Hoggaaminaysay Safiirka Ingiriiska ayaa waxa ay ka wada hadleen hannaanka qabashada doorashada isku sidkan, tacadiyadda Taliyaha Boolisku ku hayo Murashixiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Xadhiga Sharci darrada ah ee lagu haysto Xubno Musharrixiin ah oo ay ansixiyeen Komishinka Doorashooyinka isla markaana haysta xasaanaddii sharcigu siiyey.


Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa Wakiilada Beesha Caalamka u caddeeyey in aanay marnaba aqbali karin sii socodka tacadiyddan ka dhanka ah Murashixiinta Xisbiga WADDANI, iyaga oo hore ugu caddeeyey mawqifkooda War-Saxaafadeedkii dhawaan ay soo wada saareen Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo WADDANI.

Ugu dambeyn, Safiirka Ingiriiska iyo Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa isla garowsaday muhiimadda ay doorashadan isku sidkan u leedahay Qaranka Jamhuuriydda Somaliland, isla markaana isla garwaaqsaday sidii caqabadaha oo dhan looga qaadi lahaa habsi u socodka doorashada.

May be an image of one or more people, people standing and people sittingMay be an image of one or more people, people standing and suitMay be an image of one or more people, outdoors and treeMay be an image of one or more people, people sitting and outdoorsMay be an image of one or more people and people sittingMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, people sitting and people standingMay be an image of one or more people, people sitting and indoorMay be an image of one or more people, people standing and people sittingMay be an image of one or more people, people standing and people sittingMay be an image of one or more people and people sittingMay be an image of 1 person and sittingMay be an image of one or more people and people sittingMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and indoorMay be an image of one or more people and indoorMay be an image of one or more peopleMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of one or more people and people sittingMay be an image of one or more people, people standing and indoorMay be an image of one or more people and people sittingMay be an image of one or more people and people sitting

Leave a comment