TACSI GUDDOOMIYE
Date: 26KaApril 2021ka
Tacsi Guddoomiye Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka,
fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi
tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, Bahda waxbarashada iyo guud
ahaan Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum
Cabdiraxmaan Maxamed Maal guddoomiyihii Jaamacadda Alpha.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa haldoor iyo tiir
weyn oo ka baxay bahda waxbarashada Somaliland, islamarkaana kaalin mug leh ku
lahaa horumarinta waxbarashada iyo dhismaha dalka.
Guddoomiyuhu Waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u
fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka,
qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo
iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ
رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun