Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaanba shucuubta islaamka meelkasta oo ay ku kala noolyihiin, gaar ahaan shacabka reer Somaliland Dalka iyo Dibadba, curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa bilaamatay.

Monday April 12, 2021 - 22:58:53
0 Comments
710
Xisbiga WADDANI
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahna Musharraxa Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka meelkasta oo ay ku kala noolyihiin, gaar ahaan shacabka reer Somaliland Dalka iyo Dibadba, curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa bilaamatay.

Guddoomiyuhu wuxuu alle ka barayaya inuu bishan barakaysan ee Ramadaan khayrkeeda ina waafajiyo inagana yeelo kuwii ku camira cibaado suuban iyo camal saalixa, sanadkan sanadkiisana alle ha inagu gaadhsiiyo caafimaad qab iyo cimri dherar.


Dhinaca kale guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa alle uga beryay inuu caafimaad sareecana siiyo inta xanuusanaysa ee aan awoodin inay waajibka soonka gutaan, halka intii dhimatayna uu alle uga baryey inuu rabi naxariistisii jannatul Fardowsa ka waraabiyo.

Guddoomiye Cirro ayaa gunaanadkii ugu baaqay dhammaanba bulshada Soomaalida, gaar ahaanna Shacabka reer Somaliland in ay ka faa’iidaystaan khayrka bisha barakaysan ee Ramadaan,waxaanu ugu baaqay in ay ka dheeraada wixii soonkooda wax yeelaya.
Waxa uu bulshada ku boorrinaya in ay isu damqadaan oo is taakuleeyaan Bishan Khayr ka badanna ku camiraan sadaqada iyo kaalmaynta dadka jilicsan.
Allaa Mahad Leh

Leave a comment