Khudbadda Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Ka Jeediyay Shirka Saddexaad Ee Golaha Dhexe.

Saturday April 03, 2021 - 13:17:20
0 Comments
508
Xisbiga WADDANI
"Maanta kalsoonida lagu qabo nidaamka dowladnimo waxa aynu uga qiyaas qaadan karnaa, tirada bulshadeenna boqolkiiba inta maxkamad ama saldhig isla tagta marka ay arrin isku qabtaan, oo aad barbar-dhigtid inta xal ka raadsata odayaal, culimo ama haldoorka bulshada. Sida xaqiiqadu tahay waxaa badan inta aan caaddalad u doonan nidaamka dawliga ah ee jira"


Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Marwooyin iyo Mudanayaal,


Xubnaha Hoggaanka, Guddida Fulinta, Garabka Haweenka, Garabka Dhallinyarada, Xoghayayaasha Xisbiga, Madaxda Gobollada iyo Degmooyinka ee Xisbiga, hawl wadeennada Xisbiga, laamaha dibedda ee Xisbiga, dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Madaxda Axsaabta Qaranka, Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka iyo Saxaafadda ee ka soo qeyb galay Kalfadhiga 3aadee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Assalaamu Caleykum wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu.

Sida oo kale waxa aan salaan qaaliya hawada u marinayaa dhammaan Shacbiga reer Somaliland, gaar ahaanna taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Gudaha iyo dibedba.

Mahadnaq balaadhan waxa aan u jeedinayaa qaban-qaabiyeyaasha Shirkan.



Marwooyin iyo Mudanayaal:

Xisbiga WADDANI waxaa shahaadadda Xisbinnimo la siiyey 26kii bishii laba iyo tobnaad (December) sannadkii 2012kii, muddadaas waxa ka soo wareegtay siddeed (8) sanno iyo saddex (3) bilood iyo lix (6) maalmood. Waa Xisbiga ugu da’da yar Axsaabta Qaranka JSL. Waxa uu ka qaybgalay laba doorasho: Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee November 2012kii iyo tii Madaxtooyada ee November 2017kii.

Labada doorashaba Xisbigu waxa uu ka helay natiijo wanaagsan. Xisbiga WADDANI muddaddii u dhaxaysay aasaaskiisii iyo maanta waa uu koray waxa uuna ku korayey dedaalkii iyo tacabkii aad geliseen xubnihiinna halkan fadhiya iyo cudduda taageerayaashiisa tirada badan ee ku fidsan dalka gudihiisa iyo dibediisaba. Taasi waxa ay dhashay in Shacbiga Somaliland ay u qiraan isla markaana uu yahay Xisbiga ugu balaadhan uguna taageerada badan maantadaa aynu joogno.

Waxaa Xisbigu maantana diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka taas oo mar seddexaad (3aad) ka marag kici doonta Insha Allaahu, taageerada iyo kalsoonida uu ka haysto Xisbigu Shacbiga Somaliland.

QIIMAYNTA XAALADDA GUUD EE DALKA:

Intaas kaddib, Walaalayaal, maanta waad ka wada dheregsan tihiin xaaladda guud ee dalku, halka ay marayso balse aan dhawr qoddob is dul taago:

-Nasiib darro, waxaa inoo wada muuqda Nidaamkii dowladnimo, wadatashigii, wax-wada-lahaanshihii, kalsoonidii lagu qabay hay’adaha dawladda oo daciifay.

-Cabudhinta xukuumadda ee Saxaafadda madaxa bannaan, xadhiga muwaadiniinta ee aan loo miidaan dayin loona marin dariiq sharciya, ku tumashada xuquuqal insaanka waxa ay dalka u horseedi karaan in dawladnimadii iyo dimuqraadiyaddii labaduba innaga saqiiraan.

-Naawilaaddii iyo rejadii shacbigu ay ka qabeen dowladnimada, caddaaladda, nidaamka iyo kala-dambaynta oo hoos u dhacday khatarna ugu jira in ay gaadhaan meel aan laga soo kaban karin.

Tusaale ahaan, waxaa meesha ka baxay kala-madax bannaanidii iyo isla xisaabtankii uu Dastuurku ku waajibiyey ee Waaxaha Qaranka ee kala ah Fulinta, Garsoorka iyo Xeer-Dejinta.

Waxaa shacbigu ku niyadsan yahay, in Golaha Wakiilada ee cusubi, gudan doonno waajibkiisa la xisaabtanka xukuumadda, kaalinta shacbigu tebeyana buuxin doono.

Midnimada iyo wadajirka shacbiga:

Ø Walaalyaal, maanta lama dafiri karo in dildilaac ku yimi midnimadii, wadajirkii iyo is-ahaanshihii bulshonnimo ee Shacbiga Somaliland. Waxaa soo baxay magacyo cusub oo ka markhaatiya sida bulshadu u sii kala irdhoobayso sida Beesha Dhexe iyo Beelaha Darafyada iyo magacyo iyo sifooyin kale oo aad ka warqabtaan.

Ø Muddadii ay jireen xukuumadihii kala danbeeyey ee Xisbiga KULMIYE, waxaa xoogaysatay qabyaaladda iyo kala qayb sannaanta. Waxa soo noqnoqday colaado ku saleysan reero ama qabaa’il.

Burburka Dhaqaalaha:

Ø Walaalayaal, waxaa dhacay masiibooyin dabiiciya sida Koroonaha, Ayaxa iyo Abaaraha kuwaas oo burburiyey dhaqaalaheenii curdinka ahaa.

Ø Burburkaasi waxa uu dhalay in gaar ahaan ganacsatadii yaryarayd burbur dhaqaale ku yimaaddo, iyaga oo aan helin wax dhaqaale kabis ah. Waxa kale oo ay cabasho joogta ah ka muujiyeen cashuur kordhin joogto ah oo Xukuumaddu sameyso.

Ø Waxaa Xukuumadda waajib ku ah, dhiiri gelinta wax soo saarka gudaha, gacan-siinta iyo taakuleynta warshadeynta, cashuur-dhaafka agabka warshadaha, iyo joojinta ama yareynta keenista badeecadaha warshadeheennu soo saaraan .

Sida oo kale, waa waajib dastuuri ah in Xukuumaddu ilaaliso ganacsiga suuqa xorta ah (free market) iyo u sinnaanta fursadaha ganacsi ee shirkadaha waaweyn ee dalka maal geliyey.

Geeska Afrika iyo Arrimaha Dibedda:

Ø Geeska Afrika, oo ah Gobolka aan kaga naal qaaradda Africa, waa mandiqad istraatiji ah oo ay danaynayaan dhammaan quwadaha waaweyn ee caalamku iyo weliba dalal carbeed oo hodan ahiba.

Ø Tusaale ahaan, waxa aad maalmahan maqasheen markab xannibay Kanaalka Suez oo marin-biyoodkeenna waxyar u jira, kaas oo lagu qiyaasay in caalamku ku khasaaro 400 milyan dollar saacaddii!

Ø Waxaa Geeska iyo Gacanka Cadmeed ka socda mawjado siyaasadeed oo saameyn innagu leh oo ay daruuri tahay in si feejigan loola socdo talo iyo kutalogalna ka yeelano.

Ø Muddo xileedkii Xukuumadaha KULMIYE ee 11-ka sanno ahaa, Somaliland waxa ay lumisay saaxiibo tiro badan oo caalamka uga ololayn jiray, taas oo ay ka dhalatay iyada oo aan dedaalladii hore u jiray waxba lagu dul dhisin oo wadiiqooyin cusub oo madhalays ah la maray.

Marwooyin iyo Mudanayaal:

Ø Haddii aan halkaa ku dhaafo duruufaha xaaladda guud ee dalka , Qorshaha Xisbiga WADDANI waxa uu ku qotomaa halbeegyo mudnaan u leh dalkeenna kuwaas oo u kala qaybsama qorsheyaal istraatiiji ah oo muddada dheer ah iyo kuwa degdeg ah oo muddada gaaban ah.

1.Qorsheyaasha Istraatiijiga ah ee muddada dheer ee Xisbiga

-Halbeegga mudnaanta koowaad ee qorshaha istraatijiga Xisbiga ee muddada dheer waa Kobicinta, tayeynta iyo Fidinta aqoonta heerarkeeda kala duwan.

-Yoolka Xisbigu waa in uu abuuro isbeddel (change) ku yimaadda aqoon. Aqoontu waxa ay isugu jirtaa cilmi, waayo-aragnimo, wacyi iyo xirfado kuwaas oo koriya garaadka bulsho dalkana gaadhsiiya horumar waara.

-Dhaqan gelinta Siyaasadda Qaran ee Amniga Cuntada (National Food Security Policy) iyo dhiirrigelinta cunto-soo-saarku waa halbeegga labaad ee qorshaha Xisbiga ee muddada dheer.

Waxa Xisbiga WADDANI u qorshe ah in aan si aan laab-la-kac ahayn, dadka ugu jihaynno kuna kaalmaynno oo ku gacan-qabanno agab iyo aqoon labadaba, si aan u higsanno in aan isku-filnaansho ka gaadhno wax-soo-saarka cuntada.

Ø Xisbi ahaan waxa aan dejin doonnaa cabbir lagu qiyaaso heerka wax-soo-saarkeenna iyo isku-filnaanshaheenna, si aan ula soconno isbeddelka ku yimaadda Amniga Cuntada ee Qaranka.

War ay magaalada GENEVA ka soo saartay WFP (Barnaamijka Cuntada Adduunku), 20kii March 2021ka, waxa ay ka digtay in ay ku khasbannaan doonto, inay joojiso raashinkii ay siin jirtay in ka badan 1 million qof oo Soomaali ah, laga bilaabo bisha lixaad (June) 2021ka, sababtana waxa ay ku sheegtay, in aanay haysan dhaqaale ay ku sii waddo barnaamijkaas, taas oo ina faraysa in aynaan quudka aynu cuneyno cid kale ka sugin.

Waxa aan u soo jeedinayaa ganacsatada waaweyn, in ay maal gaashadaan wax soo saarka cuntada, dhaqashada xoolaha iyo kalluumeysiga kuwaas oo ah kheyraadka ugu weyn ee aynu heysanno kana qiimo badan shidaalka, Xukuumadduna si siman u kabto xoola-dhaqatada, beeraleyda iyo kalluumeysatada .

Walaalayaal, arrimaha kale ee mudnaanta u leh Xisbiga WADDANI waxaa kow ka ah in laga midho dhaliyo aaya-ka-tashiga Shacbiga Somaliland lana gaadhsiiyo aqoonsi caalami ah. Si taas loo gaadho, waxaa xisbiga diyaaariyey qorshayaal xeel-dheer oo lagu xaqiijinayo hadafkaas.

2.Qorsheyaasha degdegga ah ee muddada gaaban:

Marwooyin & Mudanayaal,

Qorshaha Xisbiga ee Muddada gaaban ah waxaa mudnaanta koowaad leh, adkeynta midnimada, wadajirka iyo wax wada lahaanshaha Shacbiga xariirta ah ee reer Somaliland.

Isaga oo ku sifaynaya erayo Suugaan ah maansadiisii ERGO halista ay leedahay isku kalsooni la’aanta bulshadu, Allah Ha u Naxariistee, Abwaan Gaarriye wuxuu yidhi:

GadhlowAwr Kala Guurtay, la Arkee Mar Kaleeto, In ayOodKu Kulmaane,Haduu UurKalaGuuro, Saw Amuur Culus Maaha.”

Mawooyin & Mudanayaal,

Qorshaha Labaad ee Xisbiga ee muddada gaaban waa in aan soo celinno kalsoonida dadweynuhu ku qabo nidaamka dawladnimada.

Maanta kalsoonida lagu qabo nidaamka dowladnimo waxa aynu uga qiyaas qaadan karnaa, tirada bulshadeenna boqolkiiba inta maxkamad ama saldhig isla tagta marka ay arrin isku qabtaan, oo aad barbar-dhigtid inta xal ka raadsata odayaal, culimo ama haldoorka bulshada. Sida xaqiiqadu tahay waxaa badan inta aan caaddalad u doonan nidaamka dawliga ah ee jira.

Taasi waxay marag ka tahay heerka aaminaadda ama kalsoonida shacbigu ku qabo nidaamka dawliga ah.

Mawooyin & Mudanayaal,

Tallaabada saddexaad ee noo qorsheysan in si degdeg ah wax looga qabto waa la-tacaalidda duruufaha dhaqaale-burbur-ka ah ee dalka soo waajahay.

Ø Aafooyinka dabiiciga ah sida koroonaha, ayaxa iyo abaaruhu waxay dhaawac u geysteen dhaqaalaheenna ugana sii dareen xaaladdii shaqo la’aaneed ee awalba sarraysay. Waxa dhaawacaa sii culeysiyey iyada oo hay’adihii dadka nugul gargaari jiray joojiyiyeen kaalmadii ka dib markii dalalka loo yaqaan qaadhaan-bixiyeyaasha joojiyeen ama yareeyeen qaadhaankii ay bixin jireen karoonaha awgii.

Qorshaha Xisbiga WADDANI waa inuu curiyo barnaamijyo iyo hindiseyaal isugu jira soo-kabasho, samato bixin iyo kobcin dhaqaale.

Marwooyin & Mudanayaal,

Difaaca Qaranka iyo Daryeelka Ciidankeenna waxa uu ka mid yahay arrimaha mudnaanta u leh Xisbiga WADDANI, maantana waxa aan mar kale cusbooneysiinayaa balanqaadkaygii 2017kii ee ahaa kordhinta boqolkiiba laba boqol iyo konton (250%) mushaharka ciidaanka iyo in aan si buuxda u dhammaystirayno awoodda qaybaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka.

Fursad-siinta iyo Ka-qaybgelinta Siyaasadda iyo talada dalka ee Dhallinyarada iyo Haweenka waa siyaasadda muhiim ah oo Xisbiga WADDANI leeyahay.

Qorsheyaasha Xisbiga waxa ka mid ah in fursad la siiyo lana dhiso jiilka cusub ee siyaasiyiinta Somaliland, habloba iyo innamoba, kuwaas oo hanta mustaqbalka dalka iyaga oo ka dab-qaadanaya waayo-aragnimada iyo khibradda inta ka horaysay taas oo hadaba si cad hadaba uga muuqata heykalka Xisbiga. Hadafka Siyaasadni waa in talada dalka laga qaybgaliyo dhallinyarada iyo haweenka.

Arrimaha Doorashooyinka Qorsheysan:

Walaalayaal, ugu horeyn, Doorashooyinku waa wareegga dhiigga ee siyaasadda ee nidaamyada dimuqraadiga ah, sidoo kalena doorashooyinku waa cusboonaysiinta heshiiska bulsho ee u dhexeeya bulshada iyo hoggaankeeda siyaasadda.

Sidaas darteed, waxa aan bogaadinayaa, Axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooynka Qaranka, Xukuumadda iyo Dhammaanteen shacbi ahaan sida aan gacmaha isugu qabsannay qabashada labada doorasho ee isku sidkan markii ugu horreysay taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa daneeyayaasha kale ee doorashada oo ay ugu mudan yihiin Beesha Caalamka gacantii farsamo iyo dhaqaale ee ay ka geysteen geeddi socodka hannaanka dimquraadiyadda Somaliland.

Doorashooyinka Somaliland, sida caalamka ka jirta, waa in ay noqdaan kuwo waqtigoodu cayiman yahay oo aan u baahnayn in laga fikiro goorta la qabanayo. Tusaale ahaan, Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee tan soo socota xigtaa waa inay cayiman tahay oo ay dhacdo maalinta 30ka May 2026ka Haddii Eebe Idmo. Sidoo kale, doorashadii Madaxtooyada ee 13kii November 2017kii dhacdayna waa inay dhacdo maalintaa maalinteedii oo ah 13ka November 2022.

3.Gunnaanad iyo Baaqyo:

-Waxa aan baaq nabadeed oo gaar ah u dirayaa, beelaha walaalaha ah ee muddada dheer ee boqolalaalka sanno gaadhaysa nabadda iyo xasilloonida ku wada noolaa, ee is wada dhalay, in ay joojiyaan colaadda intan dambe soo noqnoqatay ee Deegaanka SHIDAN. Waxa aan taageersanahay dedaallada nabadeynta ah ee socda, Xukuumaddana waxa aan ugu baaqeynnaa in ay gacan siiso culimada, waayeelka iyo waxgaradka nabadda ka shaqeynaya.

-Waxa aan shacbiga reer Somaliland ugu baaqayaa in ay aad iyo aad uga taxadiraan, uguna dhego nuglaadaan talooyinka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo dhakhaatiirta ee ku saabsan caabuqa COVID-19 maadama uu si laxaad leh u soo laba kacleeyey dad badanna inaga sahayday eebbe ha naxariisto dhamaantoode. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in la qaato tallaalka caabuqa COVID-19 ka.

-Ugu dambeyn, Walaalayaal, Marwooyin iyo Mudanayaal,

Khudbaddeyda maanta waxa aan ku soo gunnaanadayaa oo aan maanta Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI ee shirka ka soo qayb galay hortooda ka caddeynayaa in aan ahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha JSL ee doorashada Madaxtooyada JSL ee November 2022ka, anigoo buuxiyey dhammaan shuruudaha layga baahnaa, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi-na uu u taagan yahay Musharaxayga Madaxweyne ku-xigeenka. Waxaan u baahnay idinkana codsanayaa taageeradiinna iyo garab istaagiinna si aan, innaga oo wada jirna, u xaqiijinno himilada Somaliland leedahay.

Maanta, Waxa aan ugu baaqayaa shacbiga Somaliland qaybihiisa kala duwan khaas ahaan culimada, madaxda dhaqanka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada, gudo iyo dibedba Midnimo, Walaalnimo, Waddaniyad iyo wixii innaga dhexeeya een wada leenahay in aan wada ilaashanno inaga oo u siman oo aynaan kala lahayn.

Somaliland Guul.

Xisbiga WADDANI Guul.


Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI,

ahna Musharaxa Madaxweynaha JSL 2022

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)

Wa billaahi Tawfiiq.

Leave a comment