TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Duuliye Cali Faarax Cilmi oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Wednesday March 31, 2021 - 08:34:31
0 Comments
486
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Date: 31kaMarch 2021ka

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Duuliye Cali Faarax Cilmi oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi samatalisnimo iyo wanaag ku astaysna kana mid ahaa xubnaha firfircoon Iyo Odayaasha Xisbiga WADDANI miisaanka ku leh.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

    Barkhad Jaamac Batuun


No photo description available.


Leave a comment