TACSI Afhayeenka Xisbiga WADDANI oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, asxaabta iyo bahda warbaahinta Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Caydiid Cabdiraxmaan (Aadan Yariisow) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa

Monday March 01, 2021 - 14:09:42
0 Comments
529
Xisbiga WADDANI

TACSI

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun isaga oo ku hadlaya magaciisa, Kan Xisbiga WADDANI, Waaxda warfaafinta Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta iyo bahda warbaahinta Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Caydiid Cabdiraxmaan (Aadan Yariisow) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Afhayeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyay wariye da’yar oo anshax fiican, muxtarim ah oo ku toosan xirfadda saxaafadda. Waxa uu afhayeenku marxuumka ka tacsiyaynaya qoyskii uu ka baxay, telefishankii uu ka tirsana iyo guud ahaan bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka mid ahaa.

Afhayeenku waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.


Leave a comment