TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Deeqa Xasan Aadan oo Hargeysa ku geeriyootay.

Saturday February 20, 2021 - 17:53:11
0 Comments
444
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Deeqa Xasan Aadan oo Hargeysa ku geeriyootay.

 

Guddoomiyuhu waxa uu geerida Marxuumadda si gaar ah uga tacsiyaynaya Layla Muuse Qulumbe Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI ee UK oo ay hooyadeed ahayd iyo dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka baxday Marxuumaddu.

 

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuummadda Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, Carruurtii, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

 

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

      Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.




Leave a comment