Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska,ehelada,waxgaradka,waayeelka,Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Beelaha Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir .

Friday February 12, 2021 - 20:10:40
0 Comments
486
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, Madax-dhaqameedka iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaankii Guud ee Beelaha Somaliland Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo caawa geeriyooday.


Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku siifeeyay Tiir weyn oo ka baxay JSL, waxaanu tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah, nin nabadeed ah oo wax badan ka soo qabtay dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland, door weyna ku lahaa geeddi socodka Somaliland ee wada jirka iyo xasilloonida guud.

Guddoomiyuhu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyskiisa wuxuuna Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
     Barkhad Jaamac Batuun
No photo description available.May be an image of ‎text that says '‎Guddoomiyuhu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyskiisa wuxuuna Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu u'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. رَاجِعون إِلَيْهِ وَإِنّا لِلهِ Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun‎'‎

Leave a comment