TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, Waayeelka, ganacsatada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdillaahi Axmed Kaarshe (Gucuuse) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Tuesday February 02, 2021 - 12:06:24
0 Comments
443
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Waayeelka, ganacsatada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdillaahi Axmed Kaarshe (Gucuuse) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyay Oday weyn oo wanaag iyo samatalisnimo ku astaysna, doorweyna ka soo qaatay halgankii, nabadayntii iyo dib u dhiskii Somaliland. Kaalin mug lehna ku lahaa horumarka oo uu qayb ka ahaa ganacsatada dalka.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada gaar ahaan Ilma Xassan Cadde oo marxuumku Adeerkood ahaana samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment