TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dhambaal tacsi ah u diray qoyska, ehelada, asxaabta, dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Cabdillaahi agaasimihii guud ee Madaxtooyada Jabuuti oo ku geeriyooday dalka Jabuuti.

Thursday January 28, 2021 - 12:01:09
0 Comments
524
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Cabdillaahi agaasimihii guud ee Madaxtooyada Jabuuti oo ku geeriyooday dalka Jabuuti.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi dadnimo fiicnaa oo dadaal iyo hawl karnimo ku astaysna daacadnimo iyo hufnaanna ugu soo adeegay bulshadiisa iyo dawladda Jabuuti.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryayaa in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta, shacbiga iyo Dawladda Jabuuti ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

      Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.

Leave a comment