TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Faadumo Saleebaan Xaaji Jaamac oo Hargeysa ku geeriyootay

Tuesday January 26, 2021 - 21:21:30
0 Comments
410
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Faadumo Saleebaan Xaaji Jaamac oo Hargeysa ku geeriyootay .

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah tacsi ugu diraya Ilma Cabdi Kaadhiin Oo ay hooyadood ahayd, Maxamed Qawdhan Yoolac oo ka mid ah guddida Fulinta Xisbiga WADDANI ee UK iyo guud ahaan qoyska ay Marxuumaddu ka baxday.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuummadda Illaahay uga baryayaa in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun
No photo description available.


Leave a comment