TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, Waayeelka, asxaabta iyo guud ahaan Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Xaamud Jibriil Faarax oo shalay ku geeriyooday Boorama.

Tuesday January 26, 2021 - 11:47:19
0 Comments
482
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Waayeelka, asxaabta iyo guud ahaan Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Xaamud Jibriil Faarax oo shalay ku geeriyooday magaalada Boorama.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay Oday weyn oo Samatalis ah iyo tiir adag oo wax badan ka soo qabtay nabadda, dib u dhiska dalka iyo horumarka dhanka ganacsiga oo uu ka mid ahaa ganacsatada Somaliland. Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryayaa in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment