Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weheliyaan Musharraxa madaxweyne xigeen Md Maxamed Cali Aw Cabdi, guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Xisbiga Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Foosiya Kayse Faarax Iyo Saraakiil Kale Oo Ka Tirsan Xisbiga
ayaa kormeer balaadhan ka bilaabay magaalada Laascaanood iyo deegaanno badan oo ka mid ah gobolka Sool oo ay maanta ka bilaamatay diwaangelinta qaadashada kaadhka codbixinta.
Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo kormeeray goobaha diwaangelintu ka socoto ee magaalada Laascaanood iyo Deegaannada Guumays, Yagoori, Samakaab, Adhi-caddeeye, Canjiid iyo dèegaanno kale ayaa u kuur galay sida ay u socoto diwaangelintu.
Guddoomiyaha Xisbiga iyo Weftigiisuba waxa ay Dadka ku nool Deegaannadaasi Ku Dhiirigaliyeen in ay Qaataan Kaadhka Cod Bixiyaha si ay uga qayb gali karaan doorashooyinka soo socda una dooran karaan madaxda ay ku kalsoon yihiin ee ku metelaya goleyaasha Qaranka.