Madaxda xisbiga WADDANI ayaa ku hawlan dardar gelinta diwaangelinta codbixiyeyaasha waxaanay bulshada ku baraarujiyeen in ay si mug leh isu diwaangeliyaan si ay doorashada uga qayb galaan, islamarkaana u muujiyaan cududda bulshada ku nool deegaannadooda.
Weftigan oo ay qayb ka yihiin hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan, Guddoomiye xigeenka 2-aad Mudane Saleebaan Ducaale X Jaamac, Guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Foosiye Kayse iyo masuuliyiin kale ayaa maalmihii u dambeeyay deegaannada Bariga Somaliland ka waday wacyigelinta diwaangelinta Codbixiyeyaasha.