Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, ehelada, asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Ganaciga ahaana Badhasabkii hore ee gobolka Sanaag, Marxuum Aadan Diiriye cigaal (Aadan geel-jire) iyo Marxuum Xaaji Xidig Dacar Maxamuud

Wednesday December 02, 2020 - 13:26:42
0 Comments
530
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Ganaciga ahaana Badhasabkii hore ee gobolka sanaag iyo Guddomiye ku-xigeenkii Jamaacadda Burco Marxuum Aadan Diiriye cigaal (Aadan geel-jire) oo ku geeriyooday Magaaladda Burco ee Caasimadda Gobolka Togdheer.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha xisbiga WADDANI tacsi kale oo tiiraanyo leh u diraya qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Xidig Dacar Maxamuud oo ka mida ahaa Odayaasha Jaaliyadda Dalka Qatar iyo Ganacsade weyn oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ee Caasimada Dalka .
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun





Leave a comment