Sooyaalka Nololeed ee Murashax Cirro

Sooyaal-Nololeed:

Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi [Cirro] waa xeel-dheere diblomaasi ah, kaas oo ka soo qabtay xilal kala duwan Wasaaraddii Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, waxa uu Cirro ka qeyb-galay dib u dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland, haddii ay tahay Ganacsi iyo Siyaasadba.

Cirro, waxa uu ahaa siyaasiyiintii ugu horreysay ee dhidibadda u taagay nidaamka Xisbiyada badan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka hano-qaaday sannadkii 2002dii, intaa kaddib-na waxa uu noqday xubin ka mid ah Baaralamaankii ugu horreeyey ee shacabku soo doortay 2005tii, isaga oo ahaa xubintii ugu codka badneyd ee Gobolka Saaxil, Cirro waxa uu ku guuleystay in uu hoggaamiyo Golihii Wakiilada ee ugu horreeyey ee cod dad-weyne ku fadhiista Barlamaanka JSL, isaga oo noqday Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee Golaha Wakiilada intii ay Somaliland jirtay oo uu 12 sanno maamulayey Golahaas.

Cabdiraxmaan Cirro, waa aasaasaha Xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland ee WADDANI 2012kii, isla markaana ah Murashhaxa Madaxweynaha, Khibradda Murashax Cirro waa isku dhaf isugu jirta ganacsiga, diblomaasiyadda iyo Hoggaaminta, taas oo ka dhigeysa mid ka mid ah Khubarada iyo waayo-aragga hoggaamiyayaasha Geeska Afrika. Murashax Cirro, waxa uu sidoo kale yahay Xubin sharafeed ka tirsan Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Cirro, waxa uu haystaa shahaadooyinka kala ah BSC Xisaabaadka (SIDAM/ California State University, FRESNO, USA), MBA (SIDAM/ New York State University, Sunny, Albany, USA), Diploma sare oo daraasadaha Afrika ah ( Institute of African Studies, Moscow, Russia), Shahaado heerka labaad ee Jaamacadda oo la xidhiidha Xallinta Khilaafaadka (Machadka nabadda iyo Xallinta khilaafaadka, Jaamacadda Hargeysa, iyo Jaamacadaha UPEACE in Costa Rica iyo Mennonite University, USA), Shahaado sharafeed Ph. D. ( New Generation University, Addis Ababa , Ethiopia).

Cirro afafka uu ku hadlo waxaa ka mid luqadaha Soomaaliga, Ingiriisida, Carabida, Raashiyaanka, iyo Luqadda Finnish-ka.