Xubinnimada Xisbiga WADDANI

Sida uu dhigayo Qoddobka 5.aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI
  1. Waxa Xisbiga xubin ka noqon kara muwaadin kasta oo u dhashay Somaliland oo qaangaadh ah, xiskiisuna u dhan yahay.
  2. Xubinnimada Xisbigu waa shakhsi umana gudbi karto cid kale lamana kala dhaxli karo.
  3. Waxa xubin noqon kara xubnaha Hoggaanka xisbigu u arkaan I nay Xisbiga u leeyihiin waxtar wax ku ool ah kuwaas oo la siinayo kaadhka xubin sharafeedka.

Qoddobka 6.aad ee Shuruudaha xubinnimada:

Waxaa ka mid noqon kara Xisbiga WADDANI qof kasta oo Somalilander ah oo aaminsan mabaadii’ida Xisbiga kuna dhaqma xeerkiisa, buuxiyeyna shuruudaha hoos ku qoran:
  1. In uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland.
  2. In aanay da’diisu ka yaraan 15 sano.
  3. In uu caqli ahaan fayow yahay.
  4. In uu codsi qoraal ah oo xubin-ka-noqosho ah soo gaadhsiiyo xafiiska Xisbiga WADDANI degmada, gobalka uu degen yahay ama laanta ugu dhow ee dibedda.
  5. In uu yahay qof ku sifoobay akhlaaq iyo dhaqan wanaag.
  6. Inaanu xubin ama taageere u ahayn Xisbi kale
  7. In uu bil kasta bixiyo lacagta xubinimada Xisbiga.