Mabaadi'da Xisbiga WADDANI

Xisbiga WADDANI waxa uu:
  • Hirgelinayaa doonista aan nasashada lahayn ee ay dadka Jamhuuriyadda Somaliland qarannimadooda ugu raadinayaan aqoonsi caalami ah iyo in ay dhistaan bulsho ku dhaqan xornimo iyo caddaalad.
  • Sugayaa sinnaanshaha buuxa ee muwaaddiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, korriinka dheelli-tiran ee goballada dalka iyo saami-qeybsiga kuraasta iyo kheyraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado.
  • Hirgelinayaa ku-dhaqanka qaynuunka iyo xeerarka dalka u yaalla iyada oo la dhawrayo xorriyadaha aasaasiga ah iyo badbaadada dadka.
  • Hoggaminayaa qaran ku ab-tirsada taariikhdiisa hodanka ah ee ka soo xidhiidhsan xaddaaraddii Awdal, boqortooyada Bariga Sanaag, halgankii daraawiishta, halgankii gumeysigii lala galay iyo halgankii dib-uxoreynta qaran ee SNM.
  • Si buuxda ugu dhaqmayaa una ilaalinayaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeerarka qaranka iyo wada-tashiga dimuqraaddiga ah.
  • Ku barbaarinayaa taageerayaashiisa tartanka xalaasha ah ee doorashooyinka, nidaamka dimuraadiga wadatashiga ah iyo qaybaha kale ee nolosha bulshada oo dhan.
  • Ballan-qaadayaa ku-dhaqanka hab xisaabeedka maaliyadda oo daah-furan iyo isla-xisaabtan joogto ah.
  • Dhammaystirka mashaariicda qaran ee ahmiyadda leh ee socota, sida waddada Ceerigaabo.
  • Ilaalinayaa xuquuqda qeybaha bulshada ee dulman ee ay ka midka yihiin beelaha dulman, haweenka, dhallinyarada, iyo naafada; isaga oo dammaan- qaadaya in ay si buuxda uga qeyb-galaan qaab-dhismeedka Xisbiga iyo ka Xukuumadda Xisbiga WADDANI ba.
  • Hirgelinyaa dhaqanka suubban ee diinta Islamka, akhlaaqiyaadka iyo dhawrsoonaanta shaqo; waxa ka reebban Barnaamijka Siyaasiga ee Xukuumadda WADDANI wax kasta oo ka soo horjeeda diinta islaamka.
  • Ka soo horjeedaa nooc kasta oo takoor ah oo bulshada Jamhuuriyadda Somaliland  u  kala qaybinaya  qabaa’il,  jinsi,  gobol iyo  nooc  kasta  oo  kale  oo  kala- qoqob ah.
  • La dagaallamayaa isku-day kasta oo wax u dhimaya midnimada umadda Jamhuuriyadda Somaliland, dhammaanshaha dhul ahaaneed, nabadda iyo degganaanshahaba.