Hiigsiga Xisbiga WADDANI

  • Hiigsigayagu waa Jamhuuriyadda Somaliland oo ku waarta dal iyo dad midaysan, annaga oo sugnay qormada aanu ku leenahay adduunka, ahna qaran dhistay bulsho ku nool nabad, barwaaqo iyo dimuqraadiyad.

  • Wada-jir iyo dhabar- adayg, waxa aynu ku gaadhaynaa ictiraaf caalami ah. In ay dadka Jamhuuriyadda Somaliland aayahooda ka tashadaan, waa xaq ay leeyihiin oo aanay cidna u daba fadhiisanayn. Sidaa darteed, waxa hiigsigeenu ku salaysanyahay, labada hiigsi ee kala ah: doonista aan ka daalka lahayn ee ictiraafka caalamka iyo joogtaynta nabadda bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

  • Wada-jir, waxa aynu ku dhalin karnaa dhaqaale ay ku hodanto ummadda Jamhuuriyadda Somaliland. Mudnaanta kowaad waxa aanu siin doonaa shaqo-abuur iyo dakhliga dadka oo kora: waxa aanu kobcinaynaa korriinka dhaqaale si aynu shaqo- abuur dheeraad ah uga dhalino dhinacyada xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, faleenka iyo macdantanta. Waxaa kale oo iyana aynu shaqooyin cusub ka dhalinaynaa dhinacyada kale ee dhaqaalaha sida: warshadaynta, isgaadhsiinta (ICT), maaliyadda iyo tamarta.

  • Wada-jir, waxa aynu ku dhalan-rogaynaa adeegyada caafimaadka iyo wax- barashada. Mudnaanta kowaad waxa aynu siinaynaa sidii saboolnimada loo yarayn lahaa: waxa aynu u samaynaynaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland daryeel caafimaad oo tayo leh, kaas oo la awoodi karo; Waxa aynu xoojinaynaa dhinaca caafimaadka hooyada iyo guud ahaan haweenka innaga oo ka duulayna, odhaahda, hooyo caafimaad-qabta ayuu ka dhashaa qaran caafimaad-qabaa; waxa aynu gaadhsiinaynaa ilma kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland ah waxbarasho iyo biyo nadiif ah; waxa aynu ku hawlgelinaynaa dib-u-noolaynta iyo ilaalinta deegaanka, si dhaxal looga tago jiilalka soo socda.

  • Wada-jir, waxa aynu ku gaadhaynaa samaha nololeed ee bulsho, qoys iyo qofba. Mudnaan gaar ah waxa aynu siinaynaa la dagaalanka tahriibta: waxa aynu dhalinyarada ku hawgelinaynaa dhismaha dalka, iyada oo aynu abuurayno mashariic ah dhismaha kaabayaasha waaweyn ee dhaqaalaha, sida waddooyinka, madaarrada, dekeddaha, biyo-xidheennada iwm. Waxa aynu wax-ka-qabanaynaa dhibaatada guryo-la’aanta. Waxa aynu xakamaynaynaa  saamaynta  aafada "Jiilaalka” iyo abaaraha  soo  noqnoqda iyo ka haqab-beelka biyaha miyi iyo magaaloba.
     
  • Wada-jir, waxaynu ku samaynaynaa isbeddel mug-leh habka dawladdu u shaqayso, innaga oo awoodda uu dadku ku leeyahay kor u qaadayna. Waxaa mudnaanta kowaad leh in aynu xakamayno musuqmaasuqa iyo in laga baxo tamar-darrada wax-qabadka dawladda: waxa aynu dhisaynaa dawlad si daahfuran iyo si xil-kasnimo leh ugu adeegta dadka. Waxa aynu isbeddel tayeyn ah ku samayn doonaa shaqada dawladda dhexe iyo kuwa hooseba, si dadka aynu ugu adeegno hab dhega- nuglaan, qaddarin iyo caddaalad ah.

  • Wada-jir, waxa aynu ku sugaynaa sinnaanshaha buuxa ee muwaaddiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, korriinka dheelli-tiran ee goballada dalka iyo saami- qaybsiga kuraasta iyo khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado.