Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, GKM Md Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X Xasan, xoghayaha guud Khadar Xuseen Cabdi, xoghayaha ciyaaraha Md Yuussuf Nuux Yuusuf (Tadhase), xoghayaha arrimaha bulshada Md Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Xamse Ciise ayaa cisbitaalka weyn ee Hargeisa ku bookhday dadkii ku dhaawacmay isku dhac dhexmaray booliska iyo dhallinyaro daawanayay ciyaar u dhexeysay gobollada Hawd iyo Daadmadheedh. Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa u kuur galay xaaladda dadka dhaawaca ah Illaahayna u waydiiyay caafimaad khayr leh

Saturday November 21, 2020 - 08:56:04
0 Comments
476
Xisbiga WADDANI

Leave a comment