Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka iyo Salaadinta guud ahaan Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle "Indho-case" oo ku geeriyooday Hargeysa.

Thursday November 19, 2020 - 00:59:29
0 Comments
786
Xisbiga WADDANI
TACSI
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka iyo Salaadinta guud ahaan Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle "Indho-case" oo ku geeriyooday Hargeysa.


Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku siifeeyay shakhsi samatalis ah oo wax badan ka soo qabtay dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland
Guddoomiyuhu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyska reer Maxamed Maxamuud Xandulle wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun





Leave a comment