Hargeysa (Xisbiga Waddani) Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani, Dr, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xusen Cabdi, ayaa galabta kulan mahad celin ah la yeeshay haldoorka,Siyaasiyiinta, Xildhibaanada, Aqoonyahanka iyo Haweenka Beelaha Bariga Burco.
Musharaxa Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa masuuliyiintan uga mahad celiyay doorkii muuqday ee ay qaateen doorashadii dhawaan ka dhacday somaliland, waxanay hoosta ka xariiqeen in abaalkooda aanu marnaba xisbiga waddani ilaabi doonin.
kulankaasi waxa uu ku dhamaaday jawi fiican oo ay ku dheehan tahay farxad iyo rayn rayn.