Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Warsame Cali oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Friday November 13, 2020 - 21:01:16
0 Comments
773
Xisbiga WADDANI

TACSI

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta, uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Warsame Calioo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyska reer Axmed gaar ahaan Marwo Ilhaan Axmed iyo saygeeda Md Rashiid Cabdi. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun



Leave a comment