Kumanaan ka tirsan Taageerayaasha Xisbiga Waddani oo ku dabaal degay Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Hargeysa

Friday November 08, 2024 - 23:30:29
0 Comments
62
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Kumanaan iyo Kumanaan ka tirsan Taageerayaasha Isbedel doonka ah ee Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, ayaa maanta ku dabaal degay fagaaraha Beerta Xorriyada ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo uu ka mid yahay Maayarka Magaalada Hargeysa, ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta kala qayb galay taageerayaasha Dhoolatuska maanta lagu sameeyay Fagaaraha Beerta Xorriyada. 

taageerayaasha oo ku labisnaa Calanka Muuqa dheer ee midabka Liimiga ah ee Xisbiga Waddani ayaa fagaaraha maanta ku muujiyayy sida wayn ee ay u taageersan yihiin xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, iya waliba in ay Maalinta codbixintana ay codkooda siin doonan xisbiga Waddani iyo Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Waddani.


Maayarka Caasimada Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa taageerayaasha dhoolatuska maanta isugu soo baxay  Fagaaraha beerta xorriyada ee Hargeysa, waxa uu uga mahad celiyay sida fiican ee ay dareenkooda iyo taageerada ay u hayaan Xisbiga Rejada Shacabka ee waddani ay u muujiyeen, Maayar Mooge waxa uu ku dardaaray in maalinta cod bixintana ay sidan oo kale codkooda ay u siiyaan Xisbiga waddani iyo Musharixiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Leave a comment