Madaxda saddexda xisbi ee Somaliland WADDANI, UCID iyo Kulmiye iyo Sagaal ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ayaa kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysa

Tuesday October 27, 2020 - 09:42:38
0 Comments
564
Xisbiga WADDANI
Madaxda saddexda xisbi ee Somaliland WADDANI, UCID iyo Kulmiye iyo Sagaal ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ayaa kulan balaadhan ku yeeshay magaalada Hargeysa. Kulankan oo dhawr saacdood qaatay ayaa ka qabsoomay Hotel-ka Ambasador ee magaalada Hargeysa. Masuuliyiinta ka socday xisbiyada Somaliland iyo weftiga balaadhan ee Beesha Caalamka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay hannaanka qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada iyo sidii loo dardar gelin lahaa tabaabushahooda.
Kulankan ayaa sida oo kale lagu darsay sidii haweenka iyo dhallinyarada looga qayb gelin lahaa siyaasadda ugana qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka soo socda. Sida oo kale waxa lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa metelaadda siyaasadeed ee beelaha la hayb sooco. Kulanka waxa xisbiga WADDANI ku metelayay Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ,xoghayaha guud ee xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo xoghayaha gaarka ah Mudane Cabdiqaadir Iidle.
Dhanka wakiillada Beesha Caalamka waxa ka mid ahaa safaaradaha Finland, Sweden, Germany, Denmark, Netherlands, Midawga Yurub, Xafiiska Hargeysa ee Ingiriiska iyo xubno kale.






Leave a comment