Guddoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, waxgaradka, Ciidanka Booliska iyo Shacbiga JSL geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Janaraal Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhiboo)

Monday October 19, 2020 - 19:22:15
0 Comments
872
Xisbiga WADDANI



TACSI
Guddoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka guddoomiyaha xisbiga, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, Ciidanka Booliska iyo Shacbiga JSL geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Janaraal Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhiboo) oo goor dhaweyd ku geeriyooday Magaalada London ee Dalka UK.
Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku siifeeyay shakhsi samatalis ah oo wax badan ka soo qabtay dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland muddadii uu ka mid ahaa ciidanka booliska Somaliland oo uu ka gaadhay ilaa heer taliyaha guud.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya Caydaruus Sheekh Aadan oo uu Marxuum-ku seedigii ahaa Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun



Leave a comment