Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ay wehelinayaan mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa maanta waxa ay kulan yeesheen Guddida farsamada ee Isfahamka (MOU) ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ethiopia.

Monday March 18, 2024 - 22:04:34
0 Comments
49
Xisbiga WADDANI
Musharraxa iyo Mas'uuliyiinta kale waxa ay warbixin ka dhageysteen Guddida farsamada, isla markaana Xisbigu dhankiisa waxa uu guddida la wadaagay tallooyinkiisa ku aaddan arrinta isfahamka dhex maray Somaliland & Ethiopia. Xisbigu waxa uu mar labaad u xaqiijiyey Guddida in aragtida Xisbiga WADDANI sal-ka ku hayso, war-saxaafadeedkii uu soo saaray 2dii Jan 2024 ee ku saabsanaa Mawqifka Xisbigu taaggan yahay ilaa maantana uu taaggan yahay. May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 6 people, newsroom and daisMay be an image of 9 people and dais

Leave a comment