Hoggaanka Sare ee Xisbiga WADDANI ayaa saaka ku qaabilay Xarunta Dhexe ee Xisbiga, Wafdi iyo Madax ka Socoto Xarunta nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Oslo Center

Monday October 12, 2020 - 12:41:36
0 Comments
929
Xisbiga WADDANI
Hoggaanka Sare ee Xisbiga WADDANI ayaa saaka ku qaabilay Xarunta Dhexe ee Xisbiga, Wafdi iyo Madax ka Socoto Xarunta nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadamaha ee Oslo Center oo markii ugu horreysay yimid dalka Somaliland.
Waxa ay ka wada hadleen Guud ahaan hannaanka dimuqraadiyadda ee Somaliland ka hanno-qaaday, xaaladda nabadgelyada iyo heerka ay marayso Xuquuqal Insaanka Somaliland. sida oo kale waxa ay falanqeeyeen iskaashiga dhex mari kara Xarunta Oslo iyo Xisbiga WADDANI ee dhinacyadda Xoojinta Siyaasadda, maamul daadajinta, balaadhinta iyo maaraynta qorshaha xubnimada xisbiga (Membership) iyo dardar gelinta dhismaha qaybbaha kala duwan ee xisbiga haddii ay tahay kobcinta Garabbada Haweenka, Dhalinyarada iyo waaxaha kale ee xisbiga.
Dhanka Xisbiga WADDANI waxaa kulanka u matalayey Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga Xil Cabdilqaadir Jirde, Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali iyo Xoghayaha Gaarka ah Mudane Cabdilqaadir Iidle, sida oo kale dhanka Xarunta Oslo waxaa ka socday Agaasimaha Xarunta Oslo Mr Finn Jarle Rode, iyo Dr Karolina Olofsson oo la taliye sare Xarunta ka ah.
Guud ahaan, Kulanku waxa uu ku soo dhammaaday sidii Xarunta Oslo iyo Xisbiga WADDANI uga wada shaqeyn lahaayeen dardargelinta iyo fulinta howlaha ay ka wada-hadleen ee ay isla meel dhigeen.













Leave a comment