TACSI
Date:19Ka Feb 2024ka
Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka iyo guud ahaan bulshada ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Abokor Xasan Nuur iyo Alle ha u naxariistee Marxuum Oday Jaamac Cali Ducaale oo magaalada Ceerigaabo ku geeriyooday.
Musharraxu waxa uu labada marxuum ku sifeeyay laba oday oo samatalis ahaa, bulshadana wax tar badan u lahaa.
Musharraxu waxa uu Illaahay uga baryaya labada Marxuum ba in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Mudane Maxamed Faarax Cabdi