Hoggaanka labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa Sabtidii magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicolas Berlanga.

Sunday October 11, 2020 - 23:24:01
0 Comments
531
Xisbiga WADDANI
Hoggaanka labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa Sabtidii (10-10-2020) magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicolas Berlanga. 

Labada xisbi ee WADDANI Iyo UCID oo ay metelayeen guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Mudane Xil Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo uu weheliyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha xisbiga Md Cabdiqaadir Iidle waxa kulankan lagu lafo guray dardar gelinta arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka. Kulankan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay dhaqaalaha ku baxaya 
doorashooyinka oo muhiim u ah qabsoomida doorashooyinka iyo sidii haweenka iyo dhallinyaradu doorkooda kaga beegan uga qaadan lahaayeen qabsoomida doorashada ugana qayb noqon lahaayeen goleyaasha la dooranayo. 


Madaxda Labada xisbi ayaa Amb Berlanga la wadaagay sida ay uga go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku, islamarkaana ay tixgelinayaan sidii dhallinyarada iyo haweenku door firfircoon uga qaadan lahaayeen doorashada iyo ka qayb galka siyaasadda.

Leave a comment