TACSI Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Caasha Saalax Cadaad.

Sunday January 14, 2024 - 22:53:50
0 Comments
82
Xisbiga WADDANI
TACSI Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Caasha Saalax Cadaad. Musharraxu waxa uu geerida marxuummadda si gaar ah uga tacsiyaynaya guddoomiyaha degmada Ceerigaabo ee xisbiga WADDANI Maxamed Siciid Saalax oo marxuummaddu eeddadii ahayd iyo dhammaan qoyska balaadhan iyo ehelka ay ka baxday. Musharraxu wuxuu Illaahay uga baryaya marxuumadda in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi May be an illustration of ticket stub and text

Leave a comment