TACSI Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, Bahda Ganacsatada iyo guud ahaan JSL ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ganacsade Marxuum Xaaji Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday maanta.

Wednesday December 27, 2023 - 13:58:26
0 Comments
85
Xisbiga WADDANI
.
TACSI
Musharraxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, Qaraabada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, Bahda Ganacsatada iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ganacsade Marxuum Xaaji Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday maanta oo taariikhdu tahay 27 December 2023.
Musharraxu waxa uu marxuumka ku siifeeyay Tiir weyn oo ka baxay JSL gaar ahaana bahda Ganacsiga, waxaanu tilmaamay in uu ahaa shakhsi samatalis ah, samafale ah kana mid ahaa odayaashii bud-dhigga u ahaa dib u dhiska dalka iyo nabadda Somaliland, kaalin weyna ku lahaa dhanka horumarka ganacsiga oo uu muddo dheer ku soo dhex jiray.
Musharraxu wuxuu geerida marxuumka uga tacsiyaynaya dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa, saaxiibadii iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay, wuxuuna Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Maxamed Faarax Cabdi 


May be an illustration of text

Leave a comment