TACSI Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiye Xirsi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, ehelada,waayeelka iyo guud ahaan bulshada JSL ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Jeneraal Maxamed xasan Jidhif iyo Marxuum Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo Geeriyooday.

Tuesday November 14, 2023 - 23:49:37
0 Comments
154
Xisbiga WADDANI
.
TACSI
Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyaga oo ku hadlaya magaca hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxay si wada jir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan qoysaska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuum Jeneraal Maxamed xasan Jidhif oo caawa magaalada Hargeysa ku geeriyooday iyo Marxuum Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo dalka Sucuudiga caawa ku geeriyooday.
Musharraxa iyo guddoomiyaha ayaa labada marxuum ku sifeeyay shakhsiyaad miisaan culus ku lahaa JSL, islamarkaana door weyn ka soo qaatay halgankii iyo dib u dhiska dalka, xilalkii kala duwana ee ay ka soo qabteen Somaliland iyo dawladdii hore ee Somalia-na si hufnaan iyo hawl karnimo leh bulshadooda ugu soo adeegay.
Musharraxa iyo Guddoomiyuhu waxay Illaahay uga baryayaan labada Marxuum in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoysaska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Maxamed Faarax Cabdi
May be an image of text


Leave a comment