Xisbiga WADDANI oo walwal iyo walaac ka muujiyey 380 Billion Somaliland Shilling oo in la daabaco xukuumaddu qorshaynayso. Xoghaya Warfaafinta Maxamuud Aadan Jaamac "Galaal" ayaa qorshahaa 'sharci darro' ku tilmaamay. Xoghayuhu wuxuu ka digay in sicir bararka iyo sarif bararku ka sii darayaan haddii lacag cusub oo la soo daabacay xukuumaddu suuqa geliso. Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu baaqay in ay ka noqdaan daabacaadda lacagtaas.

Tuesday October 10, 2023 - 10:17:10
0 Comments
261
Xisbiga WADDANI

Leave a comment