Anniga oo tixgelinaya in Hoggaanka Xisbiga WADDANI ergada siiyey kalsooni buuxda oo aan wax shuruudi ku xidhnayn, anniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Xisbiga WADDANI dhammaantii, waxa aan halkan ka caddeynayaa in aan aqbalnay go'aannadii ay xalay soo saareen ergadii dhexdhexaadinta wadday ee Beelweynta Habar Jeclo.

Monday August 28, 2023 - 10:09:07
0 Comments
211
Xisbiga WADDANI
.
Damiirkayga nool ayaa i faraya xitaa haddii ay igu adag tahay in aan yeelo wax kasta oo maslaxadda umaddaydu ku jirto si aan u xaqiijiyo in aanu go’in xadhigga isku haynta shacbiga reer Somaliland. "Tanaasulka waxa aan u aqaannaa ficilka dadka bisil ee hoggaamiyayaasha ah”.
Sida oo kale, waxa aan u soo jeedinayaa dhammaan cid walba oo uu khuseeyo go’aanka ergadu in ay aqbalaan maadaama ay kalsooni buuxda bixiyeen.”
Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro


Leave a comment