Wariye Bushaaro Baanday waxa xuquuqdeeda iyo xorriyaddeeda looga qaaday si sharci darro ah, iyada oo aan sifo sharci ah loo marin xadhiggeeda, islamarkaana ay muddo Saddex bilood ah xukun la'aan ku xidhnayd
Xukunkeedu waa mid ka hor imanaya xorriyatul qawlka iyo shuruucda dalka oo Dastuurku ugu sareeyo kaas oo saxaafadda iyo muwaadiniinta u damaanad qaaday in uu ra'yigiisa u cabiri karo si xor ah, islamarkaana shuruucda Somaliland si weyn u dhawreen xorriyadda suxufiyiinta iyo xorriyatul qawlka.
Sidaas awgeed waxaanu u aragnaa in xukunka Bushaaro Baanday yahay mid culays saaraya xorriyadda saxaafadda iyo xaqa rayi dhiibashada ee muwaadiniinta.
Waxaanu xukumadda ugu baaqayna in ay joojiso cabudhinta iyo ku tumashada shuruucda dammaanad qaaday xarroyatul qawlka, islamarkaana ixtiraamto mabaadiida dawladnimada ee hannaanka dimuqradiyadda Somaliland ku dhisan tahay.
Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI
Mudane Yoonis Axmed Yoonis
