.

TACSI
Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan waxay si wada jira tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abokor Cabdi Maxamed (Afdhanle) oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday.
Masuuliyiintu waxa ay marxuumka Illaahay uga baryayaan in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Waaxda Warfaafinta
Xisbiga WADDANI
