.
TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, bahda waxbarashada iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Macallin Maxamed Cumar Salmaan (Dayax) oo magaalada Ceerigaabo ku geeriyooday.
Guddoomiyuhu waxa uu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta, bahda waxbarashada, ardaydii uu waxbaray iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Waaxda Waf faafinta xisbiga
WADDANI
