W/Q Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro,)

Monday June 26, 2023 - 01:36:25
0 Comments
403
Xisbiga WADDANI
Munaasibadda 63 guurada, 26ka-June 1960-kii oo ahayd maalintii aynu xornimada ka qaadannay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska, waxa aan salaan, bogaadin iyo hambalyo kal iyo laab ah hawada u marinayaa dhammaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin.
Shacabka reer Somaliland, caawa oo kale waxa ay u tahay habeen taariikhdooda dawladnimo baal-dahab ah kaga xardhan, dhanka kale-na waxaa faan iyo taariikh fac weyn inoo ah in aynu nahay curadkii Soomaali oo dhan u horseeday madax-bannaanida & Gobonnimada.
Ilaahay-na waxa aan innooga baryayaa in sannadkan iyo sannado kale oo badan innagu gaadhsiiyo, midnimo dhexdeenna ah, aqoonsi caalami ah, horumar-waara, doorashooyin xor iyo xalaal ah, Ilaahayna ku guuleeyo Shacabka Somaliland samirka iyo dhabar-adaygga ay u sameeyeen Qarankooda ay halganka dheer u soo galeen. Dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland guul iyo gallad Eebe korkiisa ha saaro.
Walaalayaal, ku ciida farxad, nabad iyo hiigsi aan gudhayn, ballanteennuna waa midnimo, walaalnimo, iyo gobannimo.


Leave a comment