Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u kala diray Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Awdal Xoghayaha Arrimaha bulshada Xisbiga WADDANI iyo Xog-hayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI.

Sunday September 20, 2020 - 15:47:36
0 Comments
627
Xisbiga WADDANI

TACSI

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobolka Awdal Maxamed Aadan Suldaan oo walaashii Marxuumad Cawo Cilmi Qaalib ku geeriyootay Magaaladda Borama, Waxa kale oo Guddoomiyaha Xisbigu Tacsi u diraya Xog-hayaha Arrimaha bulshada Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme oo Awoowgii Marxuum Maxamed Axmed Xaaji Sugule isna xalay ku geeriyooday magaaladda Hargeysa, sida oo kale wuxuu guddoomiyuhu tacsi u diraya Xog-hayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi oo adeerki Marxuum Axmed Sh Cabdullaahi Wacays isna ku geeriyooday Degmada Dila.

Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumiinta in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, , asxaabta iyo masuuliyiinta xisbiga ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun




Leave a comment