Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur (Dhirqeeye) oo xaqii ugu yimid dalka Turkiga

Tuesday September 15, 2020 - 17:37:01
0 Comments
487
Xisbiga WADDANI

TACSI

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur (Dhirqeeye) oo xaqii ugu yimid dalka Turkiga.

"Waxa aan tacsi tiiraanyo leh la wadaagayaa qoyska, ehelada, waxgaradka, Golayaasha Qaranka, Waayeelka, Asxaabta, Xisbiga WADDANI iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Maxamed Nuur Dhirqeeye oo goor dhaweyd ku geeriyooday dalka Turkey-ga.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada ka tirsan ee Xisbiga WADDANI, waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu Marxuumka Jannatul Firdosa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, Golihii uu ka tirsanaa, bahda Xisbigiisii WADDANI iyo Shacabkii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo aamiin,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun






Leave a comment