Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Col Maxamuud Nuux Diiriye (Shiine) oo magaalada Burco ku geeriyooday.

Sunday May 21, 2023 - 16:19:06
0 Comments
234
Xisbiga WADDANI
.

TACSI

Date: 21Ka May 2023ka

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Col Maxamuud Nuux Diiriye (Shiine) oo magaalada Burco ku geeriyooday.

 

Musharraxu Waxa uu Marxuumka ku sifeeyay shakhsi ka mid ahaa haldoorka Somaliland, door weynna ku lahaa halgankii dib u xoraynta, dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka.

 

Musharraxu waxa uu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

 

Waaxda Warfaafinta

Xisbiga WADDANI

May be an illustration of text



Leave a comment