Tacsi Guddoomiye

Friday August 14, 2020 - 10:16:22
0 Comments
1351
Xisbiga WADDANI

TACSI

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qoyska iyo Qaraabada, ay ka Baxday Marxuumad Huda Dubad Cabdilaahi Muxumed oo ku geeriyootay xalay Magaaladda Hargeysa.

Marxuumada ayaa aheyd Xubin ka tirsan xisbiga WADDANI kana mid aheyd Dhalinyarada aadka u firfircoon xisbiga ee halganka dheer u soo galay guusha xisbiga.

Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumada in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo carruurtii marxuumadu ka tagtayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun




Leave a comment