#TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cismaan Aw Dayuur.

Friday May 21, 2021 - 21:51:32
0 Comments
732
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Date:21ka May 2021ka

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cismaan Aw Dayuur.



Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaya Sheekh Shucayb Maxamuud Cismaan oo marxuumku aabbihii ahaa iyo guud ahaan qoyska iyo asxaabta uu ka baxay.


Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

     Barkhad Jaamac Batuun


May be an image of text


Leave a comment