Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, asxaabta, Golaha Deegaanka Baligubadle iyo bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xil Cabdiraxmaan Axmed Aadan (Gaagale) oo ka mid ahaa Golaha Deegaanka Degmada Baligubadle oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday.

Monday May 10, 2021 - 09:42:02
0 Comments
597
Xisbiga WADDANI

TACSI Guddoomiye

 

 

Date: 10KaMay 2021ka

 

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, Golaha Deegaanka Baligubadle iyo bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xil Cabdiraxmaan Axmed Aadan (Gaagale) oo ka mid ahaa Golaha Deegaanka Degmada Baligubadle oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi samatalis ah oo wanaag iyo dhaqan suuban ku astaysna, wada jirka iyo walaalnimada bulshadana u darbanaa.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

 

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

     Barkhad Jaamac Batuun



May be an image of text


Leave a comment