Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in Wasiirka warfaafinta Xukumadda Madaxweyne Biixi ku fashilmay hirgalinta idaacaddii Qaranka oo miisaaniyadda ku jirtay sanadkii hore, islamarkaana musuqmaasuq sameeyay.

Monday May 03, 2021 - 12:19:02
0 Comments
499
Xisbiga WADDANI
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Mudane Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa sheegay in Wasiirka warfaafinta Xukumadda Madaxweyne Biixi ku fashilmay hirgalinta idaacaddii Qaranka oo miisaaniyadda ku jirtay sanadkii hore, islamarkaana musuqmaasuq sameeyay. 

Waxa uu sheegay in wasiirka oo ku hawlan eedaynta musharraxiinta mucaaradku ku fashilan yahay hawlihii Qaran ee loo igmaday. "Madaxweynaha JSL khudbad sanadeedkii u dambeeyay ee uu baarlamaanka u jeediyay waxa uu ku sheegay in ay lacag shan boqol oo kun oo dollar ah ($500,000) ku soo celiyeen khasnadda dawladda. 


Waxa aan xogogaal u ahay in lacagtaasi tahay lacagtii Miisaaniyadda 2020 ugu jirtay in lagu soo iibiyo Idaacaddii Qaranka oo aan ilaa hadda la garanayn qaabka Lacagtaas qasnadda dawladda looga saaray, waxa aynu ognahay in lacag aan nidaam sharci loo marin in laga saaro khasnadda dambiyada ka dhalanaya ee shuruucda dalku dhigayaan. Waxa cad oo aanu hayna oo aan indhaha laga qarsan Karin in Idaacaddaa qandaraas sharci darr ah wasiirka warfaaafintu ku bixiyay lacagtiina tahay taas madaxweynuhu sheegayo in lagu soo celiyay khasnadda, iyada oo aanay madaxweynaha iyo wasiirka midna umadda u caddayn sida lacagtaas loo saaray inta la soo celiyay iyo qadarka lacagtaas ee maqan,” ayuu yidhi Mudane Xuuto

Leave a comment